Skip to main content

flavored tobacco ban Somali

flavored tobacco ban n Somali
News article
Release date: 11/10/2021

Degaanka Washington oo ah kii u horreeyay ee gobolka oo mamnuucaya waxyaabaha ka sameysan tubaakada ee dhadhanka leh

Ka dib toddobaadyo ay socdeen marag furka dadweyne ‘public testimony’ iyo talooyin laga helayay mas’uuliyiinta caafimaadka dadweynaha, Guddiga Guddoomiyayaasha Degaanka ayaa dib uga laabtay Ordinance 878 ee waqtigiisii dhacay isla markaana ku beddelay sharciyo cusub oo ay ku jiraan mamnuucida in ganacsi ahaan loo gado waxyaabaha ka sameysan tubaakada ee dhadhanka leh, oo ay ku jiraan sigaarada ka sameysan ‘menthol’, nikotiinka dhadhanka leh ee ka sameysan ‘synthetic’ iyo wixii waxyaalo la neefsado ka kooban sida cigarettes, e-cigars, qalimada la nuugo ‘vape pens’ iyo e-hookahs ee bixiya dhadhan ama ur aan ka ahayn dhadhanka ama urta tubaakada.

 

Bishii Noofambar 2, BCC, oo u dhaqmaysa Maamulka Caafimaadka Dadweynaha ee Degaanka Washington, ayaa ansixiyay Ordinance 878 iyada oo saddex xubnood oo ka tirsan guddigu u coddeeyaan iyada oo labba ay diideen.  Iyada oo ku saleysan natiijooyin tilmaamaya in isticmaalka tubaakada ee dhallinyaradu ay sii wado in ay noqoto khataro caafimaad oo la taaban karo, tallaabada Guddigu waxay ka shaqeynaysaa:

  • Mamnuucida gadista wixii tubaako ah ama nikotiinka dhadhanka leh ee ka sameysan ‘synthetic’ ee laga gado qof kasta oo da’diisu ka yar tahay 21 jir.
  • Mamnuucida gadista wixii tubaako ah ama nikotiinka dhadhanka leh ee ka sameysan ‘synthetic’ ee goob kasta oo ganacsi, iyo
  • Mamnuucida koobonyada ‘coupons’ iyo lacag dhimista iyo xayeyssiinta sicirka ee loogu talagalay waxyaabo kasta oo ka sameysan tubaakada.

 

Sharciyada cusubi waxay sidoo kale u baahan yihiin wax gadista ay shirkaddu taageerto (in aysan muujin isku-adeega shaqsi ahaaneed) ee dhammaan waxyaabaha ka sameysan tubaakada wuxuuna mamnuucayaa gadista tubaakada ee ka socda “meel ganacsi oo socota/dhaqaaqaysa” sida baabuur ama kiosk.   Sida ku cad Sharciga 878, xadgudubyada waxaa khuseeya Class A civil infraction ee uu soo saaro mas’uulka fulinta sharciga xeerka degaanka. Sharcigu wuxuu khuseyn doonaa degaanka oo dhan, oo ay ku jiraan gudaha xuduudaha magaalada.   Inkasta oo uu sharcigu dhaqan galayo Diisambar 2, 2021, lama fulin doono ilaa laga gaarayo Janaayo 1, 2022.

 

Sida ay tilmaantay Guddoomiyaha Guddiga ee Kathryn Harrington, “Guddigu waxay natiijooyinka caddeymo lagu qanci karo oo xaddidaaya helitaanka waxyaabaha dhadhanka leh ka dhageysatay dad dhallinyaro ah dhowr ah oo isticmaalaya tubaakada la qabsiga leh iyo maadooyinka nikotiinka iyo sidoo kale heerarka joojinta ee sarreeya. Inkasta oo coddeyntu aanay ahayn mid loo dhanaa, waxaanu si cad u maqalnay waxay ay heshiiska ku yihiin ee guddoomiye kastaa muujiyay ee ah in maadooyinka tubaakadu ay waxyeello leeyihiin iyada istiraatijiyadaha suuq-geynta ee sida dardarta leh u beegsada qof kasta oo ka tirsan bulshadeena—gaar ahaan dadka dhallinyarada ah iyo kooxaha la takooray—ay yihiin kuwo aan la aqbali karin. Waan ku kalsoonay in tallaabadan hore lo oqaaday, oo ay weheliyaan bilaabista shuruudaha ruqsad bixinta ganacsiga tubaakada, uu u adeegi doono ilaalinta caafimaadka dhammaan dadka degan Degaanka Washington.”

 

Macluumaad dheeraad ah:

 

Media Contact:

Julie McCloud, Public Affairs & Communications Coordinator
503-846-8685
[email protected]
Back to top