Skip to main content

Public alert system transitions to Everbridge (Somali)

Ismaamulka Washington waxa uu u guurayaa nidaamka digniinta xaaladda dagdagga ah oo cusub kaas oo la jaanqaadaya gobolka.
News article
Release date: 10/20/2021

Public alert system transitions to Everbridge

 

Marka lagaaro Oktoobar 25, Ismaamulka Washington waxa uu u guuri doonaa nidaamka digniinta xaaladda dagdagga ah oo loo yaqaan Everbridge. Ismaamulku waxa uu dadka ku dhiirigalinayaa in ay is diiwaan galiyaan.

Si loo hubiyo in wargalintu gaartay xubnaha bulshada inta lagu guda jiro xaaladaha dagdagga ah, Ismaamulka Washington waxa uu dadka ku dhiirigalinayaa in ay iska diiwaan galiyaan digniinaha xaalada dagdagga ah ayaka oo isticmaalaya nidaamka digitaanka cusub ee ismaamulka, Everbridge.

Ayada oo la isticmaalayo Everbridge, Ismaamulka iyo laamaha halwadeenada jawaabta dagdagga ah waxa ay udiri karaan digniinaha xaalada dagdagga ah dhamaan ismaamulka ama xaafado gaar ah oo ay saamaysay. Dadka is diiwaan galiyey waa loo digidoonaa waxa ayna si dhaqso ah u heli doonan macluumaad aad u muhiima oo ku saabsan xaaladaha sida cimilada oo aad u xumaata, helitaanka adeegyada muhiimka ah sida ogaysiisyada ku saabsan kululaynta biya, dadka la waayey, daadguraynta iyo xaaladaha kale ee bedqabka dadwaynaha.

Marka la is diiwaangalinayo,dadku waxa ay dooran karaan sida ay jeclaan lahayeen in ay u helaan macluumaadka ay tahay in wakhti kooban lagu ogaado oo ay ka mid tahay taleefanka guriga, taleefanka gacanta, ciwaanka iimaylka, farriin qoraal ah iyo qaabab kaloo badan.

Marka aad u wareegto nidaamka digniinta ee Everbridge, Ismaamulka Washington waxa uu ku biiri doonaa OR-Alert (https://oralert.gov/), barnaamijka digniinta iyo heeganka gobolka oo dhan. OR-Alert waxa ay rabtaa in ay hubiso in dhamaan reer Oregonian in ay heli karaan digniinaha xaaladaha dagdagga ah ee muhiimka ah, ismaamukay doonanba ha joogeen. OR-Alert waxa ay sidookale jawaab bixiyayaasha ugu horeeya siinaysaa qaab aad u awood badan oo loogu diri karo si dhakhso ah macluumaadka xaaladda dagdagga ah ee loogu talagalay bulshada ay khataruhu soo wajeheen sida dabka kaymaha ka kaca iyo daadadka.

Helitaanka digniinaha xaaladda dagdagga ah waxa ay ku siiyaan awood aad si dhaqsaa ugu gaashaaman kartid. Waxa ay bedbaadin kartaa noloshaada iyo nolosha kuwa aad jeceshahay. Iska diiwaan galinta digniinaha xaaladda dagdagga ah waa mid aad u fudud adigoo isticmaalaya: https://www.publicalerts.org/signup

Su’aalaha waydiintoodu soo noqnoqoto ee dadka haysta akoonka CodeRED:

Waxa aan ku noolahay Ismaamulka Washington waxa aana horay u galiyey macluumaadkayga shaqsiyeed. Miyaan u baahanahay in aan markale galiyo?

Haa! Dad badan oo jooga Ismaamulka Washington waxa ay macluumaadkooda shaqsiyadeed ee ku jiray CodeRed, ku dareen nidaamkii digniinta xaaladda dagdagga Ismaamulka ee qadiimiga ahayd. Nasiib darro, ma jiro hab lagu kalsoonyahay oo macluumaadkan loogu rari karo nidaamka cusub, marka waxa aad u baahan doontaa in aad ka samaysato akoon cusub Everbridge aadna dib u galiso macluumadkagii shaqsiyadeed. Habkaan waa mid fudud waxa uuna qaadanayaa ilaa shan daqiiqo.

 

Maxay tahay sababta ay Ismaamulka Washington u baddalayaan nidaamkooda digniinta xaaladda dagdagga ah?

Everbridge waa nidaam ay isticmaasho OR-Alert, barnaamijka digitaanka iyo heeganka gobolka oo dhan ee Oregon. Ka mid ahaanshiyaha nidaamka gobolka oo dhan micneheedu waa in dadku ay awood u yeelan doonaan in ay helaan diginiinaha haddii ay u guuraan qaybaha kale ee gobolka. Sidookale waxa ay laamaha bedqabka dadwaynaha u oggolaanaysaa in ay si dhaqsaa u diraan farriimaha iyo fudaydinta dhacdooyinaka loogu talagalay xaaladaha dagdagga ah ee saameeya wax ka badan hal ismaamul.

 

Waa maxay sababta aanan macluumaadkayga xaaladda dagdagga ah aanan ugu wareejin karin nidaamka cusub?

Ma jiro qaab la hubo oo hadii macluumaadka shaqsiyadeed laga soo wareejiyo CodeRed uu noqon doono mid la isticmaali karo marka la galiyo nidaamka cusub. Ku darista magacyo aan la isticmaal ikarin waxa ay yarayn kartaa hawlaha ogaysiisyada inta lagu guda jiro xaaladaha dagdagga ah. Marka la samaysto akoon cusub, Ismaamulka Washington waxa uu hubi karaa in macluumaadka shaqsiyadeed ee xaalada dagdagga uu yahay midka waqti xaadir kan ayna gaari karaa dadka saxda ah si dhaqsa ah. Sidookale waxa ay isticmaalayaasha u oggolaanaysaa in ay cusboonaysiistaan macluumaadkooda shaqsiyadeed hadii ay wax is beddelaan iyo haddii ay doorbidayaan in ay helaan noocyo digniino ah.

 

Maxaa ku dhacaya macluumaadka aan galiyey nidaamka qadiimiga ah?

Qof kasat akoonkiisa, oo ay ku jiraan ciwaanada, iimaylada, iyo lambarada taleefanada gabi ahaanba waa laga masaxayaa nidaamka qadiimiga ah.

Media Contact:

Alita Fitz, Emergency Management Coordinator
503-846-7588
[email protected]
Back to top